Åsa Romson and Anna Johansson at press conference about Stockholm bypass. Photo: Jessica Gow/TT.
Åsa Romson and Anna Johansson at press conference about Stockholm bypass. Photo: Jessica Gow/TT.

Xukuumada oo rabta in kaalmadii dhaqaale ee jidadka tareemada ay la soo noqoto

Xukuumadu ayaa rabta in ay baadho suurtogalnimada in dawladu ay dib ula soo noqoto gacan ku hayntii kaalmada dhaqaale ee jidadka tareemada, sidaa waxaa ka dhawaajisay wasiiradda baahiyaha asaasiga ah Anna Johansson, oo maanta shir jaraa’id qabatay

Wasiiradda ayaa ka cudur daaratay in miisaaniyadii ahayd 124 bilyan ee xukuumadu rabtay in ay ku maalgeliso jidadka tareemada, ay hadda joojisay maaddaama oo miisaaniyadeedi ay soo ay ka codeeyeen golaha baarlamaanku.

Baadhitaanka ay rabto xukuumadu in ay gacanteeda dib ugu soo celiso kaalmada dhaqaale ee jidadka tareemada ayaa la bilaabo doona bisha maarso, ee sannadka soo socda. 

Isha:SVT

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".