Utanför Europaparlamentet syns flaggor från medlemsländerna. Foto: Linnea Johansson/Sveriges Radio.
Utanför Europaparlamentet syns flaggor från medlemsländerna. Foto: Linnea Johansson/Sveriges Radio.

Midawga Yurub oo lacag dhan 16 bilyan siin doona Sweden

Ururka Midawga Yurub ayaa go’aamiyay in uu Sweden siiyo lacag qadarkeedu gaadhayo 16 bilyan oo koroon oo lagu taageerayo gobolada ilaa sannada 2020.

Barnaamijka miisaaniyada tageerada gobolada ee EU ee Sweden la siinayo ayaa hadda qalinka lagu duugay. Lacagtan qaybta ugu badan ayaa lagu isticmaali doona arrimaha la xidhiidha cilmi baadhista iyo ikhtiraaca. 

Isha:Ekot

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".