Försäkringskassan Sundsvall
Försäkringskassan Sundsvall polisanmäler anställd. Tittade i och spred känsliga dokument.Foto: Henrik Montgomery/Scanpix

Khasnada caymiska oo ku da’daalaysa ka hortaga rabshadaha loo geysto haweenka

Khasnada caymiska ayaa waxbarasho siinaysa 2800 hawl wadeen si ay u ogaadaan una caawiyaan dumarka jirrada marka loo geysto waxyeelo ay kala kulmaan rabshad

Hogaamiya mashruucan Karina Solax Stridh ayaa u sheegtay jariirada Dagens Nyheter in ujeedada ka dambaysa maalgelinta da’daaladan ay tahay in la helo talaabooyin wax ku ool ah oo arrimahan wax lagaga qaban karo.

Hey’adda Bulshada ayaa yaqiinsan in 11 kun oo dhacdo oo xanuun ku maqnaansho ah sannadkii ay sababaan rabshadaha loo geysto haweenka. Lakiin sida ay ku doodayso Solax Stridh tirada ayaa intaas ka badan.

Isha: SVT, TT

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".