Här har blommor lagts vid Linnéskolans gård i Limhamn där 17-åringen dödades. Foto: Madeleine Fritsch-Lärka/Sveriges Radio
1 av 3
Foto: Madeleine Fritsch-Lärka/Sveriges Radio
Linnéskolans gård i Limhamn där 17-åringen dödades. Foto: Rafaela Stålbalk/Sveriges Radio
2 av 3
Linnéskolans gård. Foto: Rafaela Stålbalk/Sveriges Radio

Malmö: dacwad lagu soo oogay dhalinyaro

Wiil 16-jir ah ayaa loo haysta dilka wiil 17-jir ah oo ka dhacay beer ku taal iskuul ku yaala xaafada Limhamn ee magaalada malmö bishii ogosto ee sannadkan. Middan oo ka bilaabmatay dagaal gacan ka hadal ah oo dhexmaray dhowr qof.

Dagaalka gacan ka hadalka ayaa ku gebo geboobay in wiilka dhintay quraarad laga geliyay cunaha. Sidoo kale waxaa maxkamada la soo taagaya 14-jir makhraati ah.  

Maxkamada degmada  ayaan sharci ahaan xukumi karin dhalinyaradan maaddaama oo ay da’doodu yar tahay, balse meel ku hubsanaysa in wiilkani uu dembiga galay iyo in kale.

Geesta nin 20-jir ah, ayaa looga shakinsan yahay in uu gaystay garaacis la xidhiidha dilkan.

Isha: Ekot

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".