Tomas Ramberg analys MP

Aqlabiyada codbixiyayaasha oo raba in xisbiga S uu ka takhaluso MP

Boqolkiiba 54, codbixiyayaasha ayaa raba in xisbiga Socialdemokraterna in uu joojiyo wada shaqaynta uu la leeyahay xisbiga Miljöpartiet ee ay hadda dawlad wadaagta yihiin. Halka 5-tii qof ee suaashan la waydiiyayba uu hal mid ku niyadsan yahay wada shaqaynta labadan xisbi oo sii socota.

Sidaa waxaa lagu sheegay ra’yi ururin uu sameeyay ururka tirakoobka, oo hawshan u qabtay jariirada Svenska Dagbladet.

Taageerayaasha xisbiyada Sverigedemokraterna iyo Moderaterna ayaa iyagu ah kuwa si ba’an uga biyo diiday wada shaqaynta labada xisbi.

 Isha:SVT, TT 

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".