sida, bistånd
Foto: TT

Bulshada Sweden oo ku niyadsan saamaynta mucaawimooyinka

Ilaa iyo intii ka dambaysay sannadii 1980 tiro intan le’eg oo mujtamaca reer Sweden oo rabta in deeq la bixiyo lama arag, sida laga soo xiganayo hey’adda kaalmada caalamiga ah u qaabilsan Sweden ee Sida. Oo sannad kasta baadha arrimaha la xidhiidha kaalmooyinka iyo mucaawimooyinka

Saddexdii qof ee Swedish ahba labo ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in mucaawimooyinka ay saamayn togan yeesheen, gaar ahaan mucaawimooyinka ururka Qaramada Midoobay, Sida iyo Midawga Yurub. Kuwaas oo noqday ururada samafalka ee aadka loogu amaanay ra’yi ururinta oo uu machadka tirakoobka ee SCB uu u sameeyay hey’adda Sida.

Isha:TT’

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".