Sjuksköterska i ofokus med medicin. Foto: Tore Meek / Scanpix
1 av 3
Tack vare tipsen arbetar nu tio nya sjuksköterskor i kommunen. Foto: Tore Meek / Scanpix
En sjuksköterska tar blodprov på en patient. Foto: Bertil Ericson/TT
2 av 3
En sjuksköterska tar blodprov på en patient. Foto: Bertil Ericson/TT

Gabaabsi ka jira kalkaaliyayaal caafimaad oo takhasus leh

Kalkaaliyayaal caafimaad oo badan oo ka shaqeeya goobaha caruurta lagu xanaaneeyo ee isbitaalada jaamacadaha ayaan haysan takhasus gaar ah ama waxbarasho gaar gaar ah. Sida waxaa daaha ka fayday baadhitaan ay samaysay wakaalada wararka ee Raadiyaha Sweden ee Ekot.

Baadhitaanka ayaa dhayda ka cadeeyay in boqolkiiba lixdan kalkaaliyayaasha caafimaad ay leeyihiin takhasus gaar ah, balse sida ay rajaynayaan isbitaaladu ayaa waxay ahayd in ugu yaraan boqolkiiba siddeetan ay lahaadaan takhasus.

Sida laga soo xiganayo ururka caafimaadka takhasuska khaaska ah ayaa u wanaagsan amniga qofka bukaanka ah.

Isha: Ekot 

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".