Diskrimineringsombudsmannen Agneta Broberg. Foto: SR Sameradion / Thomas Sarri
Diskrimineringsombudsmannen Agneta Broberg. Foto: SR Sameradion / Thomas Sarri

Laanta Socdaalka oo loo haysto faqooq

Laanta Socdaalka ayaa loo haysta in ay gashay dembi la xidhiidha faqooq xagga da’da ah oo ay kula kacday nin 52 jir oo shaqo ka raadsaday.

Guddida la dagaalanka faqooqa ee magacooda loo soo gaabiyo DO ayaa hadda qorshaynaysa in maxkamada uga yeedho Laanta Socdaalka, dembi la xihiidha faqooq xagga da’da ah oo loo geystay in 52 jir oo oo ka dalbaday shaqo la xidhiidha gacanyaranimo arrimaha magangelyada.

Waxaa la shaqaalaysiiyay dad gaadhaya 18, oo aanu ku jirin ninkan 52-jirka ah oo isagu khibrah sannado ah u leh arrimaha la xidhiidha maamulka.

-Ninka aanu metelayno si aan waaqici ahayn ayaa looga dhigay in uu ka waxbarasho iyo khibrad hooseeyo, kuwo badan oo ka da’ yar oo hadda shaqadan la siiyay, sidaa waxaa lagu sheegay warsaxafadeed ay soo saartay guddida la dagaalanka midabtikoorka ee DO. 

Isha:DO

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".