Mattias Karlsson (SD): Foto: Henrik Montgomery/TT.
Mattias Karlsson (SD): Foto: Henrik Montgomery/TT.

SD: codka kalsoonida ayaanu u qaadi Löfven

Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa raba in ay codka kalsoonida u qaadaan raysal wasaaraha waddankan Sweden Stefan Löfven, inkastoo arrintaas ay ku gacan saydheen afarta xisbiga ee xulafada garabka midig

Ka dib markii ay heshiiska gaadheen xisbiyada xukuumada ee Socialdemokraterna iyo Miljöpartiet oo dhinac ah iyo xisbiyada afarta ah ee xulufada garabka midig oo dhinaca kale ah, ayaa xisbiga SD ayaa kusimaha hogaamiyaha xisbiga SD uu wargeliyay in uu ka fekeryo in ay codka kalsoonida ah u qaadaan raysal wasaare Stefan Löfven, isaga oo ku rajo weynaa in uu kalsooni ka helo xisbiyada xulufada garabka midig.

Balse xisbiyada xulafada garabka Midig ee M, C, KD iyo FP ayaa middaas ganafka ku dhuftay, sheegayna in ay tahay mid aan loo fadhiyin hadda.

Mattias Karlsson, kusimaha hogaamiyaha xisbiga SD ayaa hadda ku andacoonaya in xisbigoodu yahay midka qudha ee mucaaridka ah, isaga aaminsan in middaasi ay xisbigooda u soo jiidi karto taageero badan. Karlsson ayaa sidoo kale qaba in xisbiyada xulafada garabka midig ay ka dhego adaygeen in ay hirgeliyaan siyaasad mucaraadnimo.

Isha:DN

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".