2014: Sannad khalkhal geliyay suuqa lacagaha
Sannadkan 2014 ayaa ahaa mid khalkhal ka abuuray suuqa lacagaha, middaas oo aan ka dhignayn in lacagta Ruushka ee Ruubiga uu qiimaheedu dhulka galay, balse lacagta Karoonka Sweden ayaa isna qiimahiisu hoos u dhacay, haddii la garab dhigo lacagaha doollarka iyo yuurada
Sida ay ku waramayaan khubarada dhaqaalaha, lacagtan doollarka oo qiimaheedu xoogaystay ayaa ah dhacdada ugu muhiimsan ee la xusi karo, marka laga hadlaayo suuqa dhaqaalaha ee sannadkan 2014.
Hoos u dhaca qiimaha Karoonka Sweden, ayaa loo micnaysan karaa sicir bararka ku khasbay in Bangiga Qaranku uu eber ka dhigo dulsaarkii uu ka qaadi jiray bangiyada kale, marka uu lacag amaahiyo. Geesta kale sannadka soo socda ayaa la filayaa in ay xoogaysato lacagta Karoonka Sweden, oo qiimaheedu sare u kaco. Sidaa waxaa ku doodaya Martin Enlund oo isagu ah baadhe xagga lacagaha oo ka hawlgala bangiga Nordea.
Isha: Ekot
samir.dualeh@sr.se