Dag Hammarskjöld. Foto: TT / Pressens bild
1 av 3
Dag Hammarskjöld inspekterar svenska FN-trupper i Kongo. Foto: TT / Pressens bild
Löpsedlar. Foto: TT/Scanpix.
2 av 3
Löpsedlar efter Dag Hammarskjölds död. Foto: TT/Scanpix.
Dag Hammarskjöld
3 av 3
Foto: TT

QM oo baadhitaan cusub ku samaynaya geeridii Hammarskjöld

Golaha sare ee ururka Qaramada Midoobay ayaa qaatay go’aan ay ku magacabayaan guddi khuburo ah oo madax banaan oo baadha cadaymaha cusub ee la xadhiidha geeridii madaxii hore ee ururka QM Dag Hammarskjöld, oo ku geeryooday shil diyaradeed sannadii 1961 waddanka Zambia.

Sidaa waxaaa qoraysa jariirada The Wall Street Journal. Golaha sare ee QM ayaa sidoo kale ku dhiiri galiyay dhamaan waddama kale ee haya warbixin la xidhiidha geeridii Dag Hammarskjöld in ay soo gudbiyaan.  

Go’aankan ayaa wuxuu dabada ku hayaa ka dib markii gudoomiyaha ururka QM Ban Ki-Moon uu shaaca ka qaaday in uu dhiiri galinayo warbixinaha la xadhiidha geeridii Hammarskjöld.

Isha: Ekot, SVT 

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".