Loans via text message are on the increase. Photo: Jonas Ekströmer / TT
Loans via text message are on the increase. Photo: Jonas Ekströmer / TT

Deynta lagu dalbado fariimaha oo ay adagtahay in la bixiyo

Badanaa dadka qaata deynta lagu dalbado fariimaha mobile-ka waxa loo yaqaano sms-lån ayaa waxay ku dambeeyaan in ku dhacaan liiska hey’adda dawlada u qaabilsan deyn ururinta, ka dib marka ay bixin kari wayaan deynta ay qaateen

-Waxaanu haynaa sadaal sheegaysa in ku dhawaad 60 kun oo ah deymo aan la bixin oo  kuwo sida deg dega loo amaahday ah, middaas ayaa tiradii ugu balaadhnayd abid. Sidaa waxaa leh Tina Häggmark oo ka hawlgasha hey’adda dawlada u qaabilsan deyn ururinta.

Kala badhkii sannadkan 2014 ayaa la soo saaray tirakoob ah in dad badan oo swedish ah la siiyay waqti dheeraad ah si ay isaga bixiyaan deyn deg deg oo ay qaateen.

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".