Миграционное ведомство Швеции набирает людей
Foto: TT

Sharciga ajnebiga oo wax laga bedelay

Wax ka bedelka lagu sameeyay sharciga ajnebiga ayaa waalidiinta caruurtoodu u baahantahay magangelyada, iyagana u ogolaanaya in la siiyo sharci deggenaansho. Sharciga ayaa shaqayn doona laga bilaabo sannadka soo socda ee 2015.

Wax ka bedelkan ayaa odhanaya waalidka dhalay ilmo aan xaas ahayn oo u baahan gabbaad ama badbaado, laga bilaabo sannadka soo socda bilawgiisa wuxuu xaq u yeelanaya in la siiyo deggenaanshaha rasmiga ee waddankan Sweden.

Sharcigan ayaa shaqaynaya uun marka waalidka iyo ilmuhu ay isku mar dalbadaan codsigooda magangelyo. 

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".