Тропическая жара в Швеции
Foto: TT

2014: Sannadkii ugu kululaa Sweden abid

Hey’adda qaabilsan saadashada hawada ee qaranka ee magaceeda loo soo gaabiyo SMHI ayaa shaaca ka qaaday in sannadkan gebo-gebada ah 2014  uu ahaa midkii ugu kululaa abid. Celceliska heerkulka ayaa ahaa inta u dhaxaysa 6,85 iyo 6,9 darajo.

Halka sannadiha caadiga ah celceliska heerkulku yahay qiyaastii 4,7 darajo. Sannadkii ugu kululaa ee abid soo mara Sweden ayaa wuxuu ahaa sannadkii 1934-tii markaas oo celceliska heerkulku gaadhay 6,73 darajo. Sida laga soo xiganayo hey'adda SMHI sannadkan 2014 ayaa ah midkii ugu kulalaa Sweden iyo waddamo kale oo ka mid ah Yurub.

Isha: Ekot

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".