Lagboken är blå och texten står med gyllenebokstäver. Ovanpå ligger en klubba av trä.
I den här boken står Sveriges lagar. På boken ligger en klubba av trä. Den kan domaren knacka i bordet när domstolen tar sitt beslut. Foto: TT.

Fursad lagu heli karo dhalashada Sweden sannadka cusub

Kala wareega, ahna bilawga sannadka soo socda ee 2015 ayaa dadkii loo diiday dhalashada Sweden sababo la xidhiidha in ay haystaan dhalasho kale, ay hadda mar labaad dalban karaan dhalashada Sweden. Iyaga oo codsi u diraya Laanta Socdaalka

Middan waxaa sababay wax ka bedel lagu sameeyay sharciga muwaadinka oo dhaqan gelayaa 1-da bisha janaayo ee sannada 2015.

Sharcigan ayaa sidoo kale, maamulada degmooyinka Sweden khasab kaga dhigayaa in ay abaabulaan xaflado dhalashada Sweden lagu gudoonsiiyo muwaadiniinta cusub. Sidoo kale sharciga ayaa odhanaya ilmaha uu dhalay aabe ama hooyo swedish ahi, wuxuu si toos ah u qaadanaya dhalashada Sweden.

Isha: Dawlada

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".