Asylsökande vid asylboendet Grytan utanför Östersund. Foto: Annelie Lanner/SR
Asylsökande vid asylboendet Grytan utanför Östersund. Foto: Annelie Lanner/SR

Qaxoonti mudaharaad ka sameeyay magaalada Östersund

Qaxoonti mudaharaad ka sameeyay magaalada Östersund
0:41 min

Qaxoonti tiradoodu gaadhayso 30 ilaa 40 qof oo ka soo kala jeeda wadamada Siiriya iyo Iraq ayaa wali mudaharaad ka wada  magaalada Östersund. Qaxoontigan oo laga soo qaaday magaalada Malmö ee koonfurta Sweden ayaa la geeyay xero qaxoonti oo ku taalla magaalada Östersund ee waqooyiga Sweden.

Waxaanay qaxoontigani diideen in ay baskii lagu qaaday ka degaan, iyaga oo ku andacoonaya in la geeyay meel cidlo ah oo qabow badan. Waxaanay sheegeen in ay jeclaayeen in ay ku jiraan goobaha lagu hayo dadka magangalyodoonka ah ee ku yaalla koonfurta Sweden. Laanta socdaalka ayaa sheegtay in aanay haynin goobo kale oo dadkani lagu hayo, taasina ay ka dhigan tahay in goobaha  ku yaalla koonfurta Sweden ee soogalootiga la dejiyaa ay buuxaan,  sidaasi darteedna goobtan hadda la geeyay ay noqotay midda kaliya ee soo dhawaysay.

Xigasho:  P4 Jämtland 

musa.hassan@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".