Foto: TT.
Haayadda SMHI oo ka digtay duufaanno dabaylo wata. Foto: TT.

Haayadda SMHI oo ka digtay duufaanno dabaylo wata

Haayadda SMHI oo ka digtay duufaanno dabaylo wata
0:22 min

Haayadda saadaasha hawadda  qaranka ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yidhaa SMHI ayaa soo saartay digniinta derajada labaad, waxaanay haayaddu ka digtay duufaanno dabaylo wata oo ka dhici doona guud ahaan waddanka. Duufaannadan ayaa ka dhici doono galbeedka waddanka iyo waliba gobolka Östergötland.

Waxaanay dabaylahi si weyn u saamayn doonaan deegaanada Göteborg iyo  Bohuslän halkaasi oo qiyaastoodu noqon doonto 27 mitir ilbidhiqsigiiba. Haayadda gaadiidka ayaa farriin u dirtay dadka u kala socdaalaya dalka, iyada oo u sheegtay in ay xisaabta ku darsadaan in duufaannadani keeni karaan dhibaato ku timaadda iskusocodka gaadiidka.

Xigasho:  Ekot

musa.hassan@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".