Polisen har utökat bevakningen på moskén i Sundsvall. FOTO: Imran Hazif Mohammed
1 av 3
Polisen har utökat bevakningen på moskén i Sundsvall. FOTO: Imran Hazif Mohammed
Fredagsbön vid Islamiska församlingens moské i Kristianstad. Foto: Patrik Hekkala/ Sveriges Radio
2 av 3
Fredagsbön vid Islamiska församlingens moské i Kristianstad. Foto: Patrik Hekkala/ Sveriges Radio
Manifestationer hålls i Stockholm, Göteborg och Malmö efter moskéattackerna i Sverige Bild: Palmira Koukkari Mbenga
3 av 3
Manifestationer hålls i Stockholm, Göteborg och Malmö efter moskéattackerna i Sverige Bild: Palmira Koukkari Mbenga

Masaajid kale oo weerar loo geystay

Goob masaajid ah oo kale ayaa weerar loo geystay. shalay subaxnimadii ayaa la ogaaday in goobtan dhagaxaan lagaga soo tuuray daaqada. Masaajidkan oo ah mid Soomaali gacanta ku hayso ayaa ku yaal degmada Skillingaryd ee gobolka Småland, sidaa waxaa ku waramaysa idaacada P4 Jönköping

Qof u hadlay masaajidkan ayaa sheegay in goobtan dhaawaca loo geystay uu yahay mid dabada ku haya weerarada isdaba jooga ah ee lagu masaajidada kale. Isaga intaa ku daray in xubnaha ururka ay hadda cabsi badani hayso.

Geesta kale, masaajidka magaalada Sundsvall ayaa boolisku ilaalinayay maanta. Halka waddanka oo dhana ay ka socdaan mudaharaado lagaga soo horjeedo weeraradan joogtada ah ee lagu hayo goobaha lagu cibaadaysto. 

Isha: Ekot, P4 Jönköping

samir.dualeh@sr.se 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".