Jan Björklund (FP) och Gustav Fridolin (MP). Foto: TT
Jan Björklund (FP) och Gustav Fridolin (MP). Foto: TT

Dawlada oo rabta in laga wada shaqeeyo siyaasada iskuulka

Dawlada ayaa hadda rabta in ay kordhiso heshiiskuu dhexmaray iyaga iyo xisbiyada garabka midig ee loogu magac daray heshiiskii diisambar, si ay ugu darto in laga wada shaqeeyo siyaasada iskuulka. Sida laga soo xiganayo wasiirka waxbarashada

Wasiirka waxbarashada Gustav Fridolin iyo wasiirada kale ee waaxda waxbarashada ayaa sidaa ku qoray bogga dooda ee jariirada Dagens Nyheter. Wasiiradan ayaa ku dooday in baadhitaan la sameeyay iyo sida ay ku taliyeen shaqaalaha iskuulada in loo baahan yahay siyaasad waxbarasho oo aan is bedelin, mar kasta oo dawlad cusubi xukunka la wareegto. Loona baahan yahay siyaasad waxbarasho oo joogto ah.

Middan oo tusaale wanaagsan loo soo qaatay waddanka Finland. Waddankaas oo siyaasada waxbarashada ay xisbiyadu ka wada shaqeeyaan.

Ilaa hadda ayaa xukuumada iyo xisbiyada xulufada garabka midig  waxay heshiis ku gaadheen in ay ka wada shaqeeyaan siyaasadaha tamarta, hawlgabka iyo amniga.

Isha: DN, Ekot

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".