Organdonation. Foto: TT
Organdonation. Foto: TT

Sugitaanka xubnaha la isku tallaalo oo kala duwan waddanka

Ururka dawliga ah ee qaabilsan xubno yabooha ayaa bisha oktoobar ee sannadkan 2015 soo saari doona baadhitaanadiisa la xidhiidha umuurtan, middaas oo ay ka mid tahay sugitaanka ay bukaanadu sugaan in ay helaan xubnaha ay u baahan yihiin

Bishan janaayo ayaa baadhitaan hor leh laga bilaabaya xarumaha afarta ah tallaalka xubnaha, kuwaas oo kulamo ay yeelan doonaan kaga doodaya waqtiyada sugitaanka, si loo hagaajiyo liiska dadka sugaya iyo xaaladaha bukaanka.

Horjoogaha ururka kelyaha Håkan Hedman ayaa aaminsan in middani ay xal u noqon karto dhibaatada hadda taagan.

Isha: Ekot 

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".