Kärnkraftverket OKG:s reaktor 3. Foto: Nick Näslund/Sveriges Radio
Kärnkraftverket OKG:s reaktor 3. Foto: Nick Näslund/Sveriges Radio

Dhaliyaha quwadda niyukliyeerka Oskarshamn oo istaagay

Mid ka mid ah dhaliyaha quwadda niyukliyeerka ee degmada Oskarshamn ayaa gebi ahaanba istaagay oo shaqo joojiyay maalinimadii axadii, cilad farsamo awadeed. Sababta ka dambaysay ciladan farsamo ayaa weli la shaacin

Balse waxaa soo baxaya fikarado sheegaya in ciladan ay ka dambaysay biye quudiyaha dhaliyaha quwadda niyukliyeerkan oo aan si wanaagsan u shaqaynayn. Hadda ayaa gacanta lagu hayaa sidii ciladan wax looga qaban lahaa, waxaana laga yaaba in maalinimada salaasada la baahiyay fariin la xidhiidha ciladan iyo waqtiga uu mishiinkani dib u bilaabayo shaqadii uu hayay.

Isha:TT 

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".