Carl Bildt. Foto: Maja Suslin/TT.

Carl Bildt oo ka digay dagaal weyn sannadkan 2015

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Sweden Carl Bildt ayaa ka digay dagaal weyne ka qarxa adduunka sannadkan 2015. Carl Bildt ayaa ku andocooday in xaaladaha ammaan ee Ukraa’iin, Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Kuuriya ay yihiin dhimbiilo holcin kara khilaaf weyn sannadkan

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Carl Bildt ayaa sheegay in xaalada ammaan ee gobahaasi ay khatar ahayd sannadkii ina dhaafay ee 2014, sida uu ku qoray jariirada Dagens Industri

Carl Bildt ayaa ku talinaya in lala yimaado siyaasad lagaga digtoonaan karo arrimahan, loona diyaar garoobo haddiiba ay dhacdo middani. Carl Bildt ayaa sheegay in faro gelinta ciidan ee ruushku ku hayo Ukraa’iin ay tahay mid daandaansi ah.

Isha: Expressen, DI 

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".