En svensk biståndsarbetare som kan ha smittats av ebola anländer med specialflyg till Sturup. Foto: Johan Nilsson/TT
En svensk biståndsarbetare som kan ha smittats av ebola anländer med specialflyg till Sturup. Foto: Johan Nilsson/TT

Kalkaaliyihii caafimaad ee looga shakisana cudurka Ebola oo isbitaalka dib ugu noqotay

Haweenaydan ayaa noqonaysa bukaankii ugu horeeyay ee la geeyo isbitaal, iyada oo looga shakisan yanay cudurka Ebola. Haweenaydan ayaa hadda loo qaaday isbitaalka jaamacada Linköping

 

Haweenay ahay kalkaaliyaha caafimaad oo ka soo shaqaysay waddanka Sierra Leone si ay u caawiso bukaanada la ildaran cudurka Ebola, ee Sweden loo soo dhoofiyay ka dib markii looga shakiyay in ay qaaday cudurkan.

Haweenaydan ayaa isbitaalka laga fasaxay ka dib markii laga waayay caalamadaha cudurka Ebola, imika ayaa haweenaydan dib loo dhigay isbitaalka markii la arkay calaamo muujinaya in ay qabto cudurka Ebola. Waxaana lagu samaynayaa baadhitaano mar labaad.

Isha: TT

samir.dualeh@sr.se

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".