P1 Dokumentär: Skotten i Göteborg Foto: Karwan Faraj/Sveriges Radio
1 av 2
P1 Dokumentär: Skotten i Göteborg Foto: Karwan Faraj/Sveriges Radio
P1 Dokumentär: Skotten i Göteborg Foto: Karwan Faraj/Sveriges Radio
2 av 2
P1 Dokumentär: Skotten i Göteborg Foto: Karwan Faraj/Sveriges Radio

Is-rasaasayntii Göteborg oo yaraatay

Waxaa aad u yaraaday is-rasaasayntii badnayd ee ka dhici jirtay magaalada Göteborg. Tirada is-rasaasaynta ayaa hoos u dhacday dhamaadkii sannadkii hore, sida laga soo xiganyo booliska middan waxaa sababay tirada la dagaalanka kooxa rabshad wadayaasha ah.

Afartii bilood ee u dambeeyay waxaa dhacay shan is-rasaasayn oo keli ah oo la diiwaangeliyay, dhamaan kuwan oo aan ku lug lahayn dagaalka u dhaxeeya kooxa kala gedisan, middan ayaa ah hoos u dhac weyn haddii la bar bar dhigo 46 is rasaasayn ah oo ka dhacay Göterborg 8 bilood gudahood sannadkii hore.

Sida laga soo xiganayo booliska dadkii ku lug lahaa is-rasaasayntaas ayaa badankooduu way dhinteen ama waxay ku jiraan jeelasha, taas oo yaraysa tirada rabshadaha. 

Isha: DN

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".