Valen syns mitt i hamnen.
137 qof oo sannadkii hore ku dhintay biyaha Sweden. Foto: Jonas Lind för TT.

137 qof oo sannadkii hore ku dhintay biyaha Sweden

Sannadkii hore waxa biyaha waddanka Sweden ku dhintay 137 qof. Tiradan ayaa ah tii ugu badnayd laba iyo tobankii sanno ee u danbeeyay. Karin Brand iyo Ann Wallbom Fagraeus oo kala ah xoghayaha guud iyo guddoomiyaha shaqaalaha badbaadada xeebaha,

 ayaa jirriiradda DN ku qoray in ay hadda tahay wakhtigii baarlamaanka Sweden arrintan wax uga qaban lahaa, si la mid ah sida wax looga qabto xaaladaha isusocodka gaadiidka.

Dadka inta badan ku dhinta biyaha ayaa u badan rag, ay da'doodu ka weyn tahay konton jir. Sannaddadii 2013 iyo 2014 ayaa ahaa sannado ay badnaayeen dadka kalluumaysta iyo waliba dadka inta badan biyaha u dabbaal taga.

Xigasho: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".