Specialambulansen från Linköping framme i Skåne för att hämta sjuksköterska som misstänktes kunna vara smittad av ebola. Foto: Johan Nilsson/TT
Kalkaaliso caafimaad oo laga waayay in ay qabto cudurka ebola. Foto: Johan Nilsson/TT

Kalkaaliso caafimaad oo laga waayay in ay qabto cudurka ebola

Kalkaalisadii caafimaad ee laga shakisnaa in uu ku dhacay cudurka ebola   ayaa tijaabadii koowaad  cudurkaasi laga waayay. Tijaabo caafimaad oo shalay laga qaaday ayaa daaha ka fayday in ayna kalkaalisadani xannuunkaasi qabin.

Sidani waxa sheegay cusbitaalka jaamacadda  Skåne. Haweenaydan ayaa shalay loo qaaday cusbitaalka jaamacadda Linköping. 

Haweenaydan ayaa noqonaysa bukaankii ugu horeeyay ee la geeyo isbitaal, iyada oo looga shakisan yanay cudurka Ebola.

Kalkaalisadan caafimaad ayaa ka soo  shaqaysay waddanka Siiralyoon (Sierra Leone ), iyada oo daryeel caafimaad siinaysay  bukaanada la ildaran cudurka Ebola. Waxaana haweenaydan Sweden loo soo dhoofiyay kadib markii laga shakiyay in uu cudurka ebola ku dhacay.

Xigasho: TT  (Presskonferens kl 11 i Linköping 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".