Partiledarna för Sveriges riksdagspartier går till extraval. Foto: TT
Dad badan ayaa wali aaminsan in doorasho dheeraad ahi dhici doonto. Foto: TT

Dad badan ayaa wali aaminsan in doorasho dheeraad ahi dhici doonto

Afar meeloodoow meel ka mid ah dadka Iswiidhishka ah ee codka bixiya, ayaa aaminsan in ay mar labaad soo noqon doonto in doorasho dheeraad ah la qabto, inta ay dawladdani joogto.

Sidani waxa muujisay tirakoob ay iska kaashadeen Schibsted/Inizio iyo SvD.  Sidoo kale waxa jira dab badan oo la dhacsan heshiiskii ay dhawaan wada gaadheen dawladda iyo ururrada macaaradka ahi. Tirakoobkan ayaa muujinaya in 29% dadka codbixiyayaasha ahi ay aaminsan yihiin in ay Sweden ka dhici doonto doorasho kale oo dheeraad ahi inta ay dawladdani xukunka hayso.

Xigasho: SvD

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".