Wararkii ugu dambeeyay ee weerarada Paris

Ugaadhsigsa dablaydii weerartay Charlie Hebdo
0:48 min

Xalay ayaa wiil 18-jir ahi oo looga shakisanaa in uu ka mid ahaa nimanka weerarkan geystay uu booliskanisu soo dhiibay. Sidoo booliska waddanka faransiiska ayaa ugaadhsanaya laba nin oo walaalo ah oo looga shakisan yahay weerarkan.

Saaka ayaa sidoo kale waxaa geeryootay gabadh boolis ah oo uu toogtay nin, mar ay boolisku ku gudo jireen hawl galka lagu soo qabanayo  7-da qof lagu tuhunsan yahay weerarkan argagixiso.

Calanka waddanka Faransiis ayaa hoos loo dhigay, si loo muujiyo in waddanka oo dhan uu murugaysan yahay. Magaalooyinka Marseille, Toulouse, Paris iyo dhamaan magaaloyinka waaweyn ee dalka faransiisska ayaa dadku isku soo urureen si ay daqiiqad baroor diiq ah ugu aamusaan weerarkii shalay dhacay. 

Isha: Ekot

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".