Страница джихадистов, прославляющая теракт

Kooxo hambalyeeyay weerarkii lagu qaaday Charlie Hebdo

Kooxo xagjir ayaa hambalyeeyay weerarkii dhegta dhiiga loogu daray saxafiyiintii ka hawlgeli jirtay wargeysa Charlie Hebdo. Kooxdan ayaa hambalyadooda ku qoray bogga ay ku leeyihiin barta Facebook

Sidaa waxaa ku waramaya Talefeeshinka Qaranka Sweden ee SVT.

-Hadda ayay doofaaradu mar labaad ka fekeri doonaan, inta aanay mar dambe yasin Ilaahay iyo nebigiisa, sidaa ayuu qoray xubin ka mid ah boggan.

Kuwo badan oo ka mid ah saxafiyiinta lagu gumaaday weerarkii lagu qaaday wargeyska Charlie Hebdo ayaa sawiray nebiga muslimiinta.

Boggan Facebook-ga ayaa kulmiya 430 xubnood oo u badan dad si xagjirnimo ah u turjuma diinta Islaamka. Halkaas oo ay ku taageeraan kooxa Al-qaacida iyo Daacish.

Si kastaba ha ahaate aqbliyada dadka muslimiinta ah ayaan taageersanayn fikirkan.  

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".