Ensam kvinna vid broräcke. Foto: Claudio Bresciani/TT
Hab cusub oo lagu yarayno dhallinyarada isdishaFoto: Claudio Bresciani/TT

Hab cusub oo lagu yarayno dhallinyarada isdisha

Daraasad cusub ayaa muujinaysa in xaaladda dhallinyarada isdisha lagu yarayn karo hab wacyigelin ah. Daraasaddan ayaa lagu sameeyay 11 000 arday oo ka soo kala jeedda 170 dugsi waxbarasho oo ku yaalla 10 waddan oo midowga Yurub ka tirsan.

Waxaanay daraasaddani muujinaysaa in habka ugu fiican ee lagu yarayn karo dhalinyarada nafahooda galaaftaa tahay in wacyigelinta la badiyo, iyada oo dhallinyarada la barayo sida ay u maarayn karaan hadba xaaladda nololeed ee ay ku jiraan iyo caqabadaha la kulma. Tijaabadan oo la sameeyay muddo sannad ah ayaa dhalisay natiijo fiican, isdilkii dhallinyaraduna waxa uu hoos u dhacay 50%. Cilmi-baadhistan ayaa muujinaysa in habka kale ee ay masuuliyaddu saaran tahay macallimiinta iyo xarumaha caafimaadku aanu ahayn hab wax badan ka qaban kara culaysyada nafsiga ah ee ay da' yartu la kulanto.

Xigasho: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".