E Riksdagsledamoten Veronica Palm (S) erachi dla upre andi policia e dujte vice talman Björn Söder (SD. Foto: SVT
Björn Söder oo lagu qabsaday qoraal uu ku qoray Faysbuuggiisa (SD. Foto: SVT

Björn Söder oo lagu qabsaday qoraal uu ku qoray Faysbuuggiisa

Veronica Palm oo ka mid ah xubnaha xisbiga Socialdemokraterna ugu jira baarlamaanka, ayaa booliska u gudbisay dacwad ka dhan ah hoggaamiyaha xisbiga SD Björn Söder.

Dacwaddan ayaa la xidhiidha ka dib markii uu Björn Söder faysbuuggiisa ku soo qoray faallo ku saabsan weerarkii loo gaysay jarriiradda Charlie Hebdo ee ka soo baxda waddanka Faransiiska. Faalladan oo u dhignayd ; diintii nabaddu waxa ay inna tustay wajigeedii saxda ahaa, ayay Veronica u micnaysay in ay tahay mid gef ku ah qayb ka mid ah bulshada. Faalladan ayaa maalintii khamiista ahayd lagu daabacay jarriiradda Dagens Nyheter.

Xigasho: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".