Poliser samlade på en väg. Foto: Thomas Samson/TT.
Faransiiska oo si weyn u sugay ammaanka dalxiisayaasha

Faransiiska oo si weyn u sugay ammaanka dalxiisayaasha

Weerarkii lagu qaaday jarriirad ka soo baxda magaalada Paris, ee lagu dilay 12 qof iyo waliba weerarkii maalintii taas ka danbaysay lagu dilay askariyad booliis, ayaa keenay in si weyn loo sugo ammaanka waddanka Faransiiska.

Dhanka kale dadka Iswiidhishka ah ee u safraya waddanka Faransiiska, ayaa lagula taliyay in ay aad u feejignaadaan, taxadir badanna muujiyaan marka ay ku sugan yihiin goobaha dadku ku kulmaan.Waxa sidoo kale dadka Iswiidhishka ah ee Faransiiska tegaya ama jooga lagula dardaarmay in ay la socdaan tallooyinka ay bixinayaan haayadaha dawladda iyo waliba warbaahintu.

Xigasho: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".