Anita Ekberg. Foto: TT
1 av 2
Aktaraddii caanka ahayd ee Anita Ekberg oo dhimatay. Foto: TT
Anita Ekberg. Foto: TT
2 av 2
Anita Ekberg. Foto: TT

Aktaraddii caanka ahayd ee Anita Ekberg oo dhimatay

Jilaayaddii caanka ahayd ee reer Iswiidhan, Anita Ekberg ayaa shalay ku dhimatay magaalada Rocca di Papa oo u dhaw caasimada dalka Talyaaniga ee Roma. Sidani waxa xaqiijisay warbaahinta Rai News.

Anita Ekberg waxa ay da'deedu ahayd 83 jir, waxaanay ahayd aktarad aad loo jecel yahay. Waxa ay sannadkii 1951 ku guulaysatay tartanka quruxda ee Iswiidhan. Waxaanay taasi u suurogalisay in ay ka qaybgasho tartanka ka dhaca dalka Maraykanka ee la yidhaa, (Miss Universum-finalen), halkaasna waxa ay ka sii wadatay xirfaddeedii jilaanimo.

Ekberg waxa ay caan ku noqotay doorkii ay sannadkii 1960 ku lahayd filim Sylvia i Frederico Fellinis.

Xigasho: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".