Man skjutsar annan man i rullstol.
Shirkadaha caawiya dadka laxaadka la' oo laaluusha macmiishoodaFoto: Janerik Henriksson, TT

Shirkadaha caawiya dadka laxaadka la' oo laaluusha macmiishooda

Shirkadaha u shaqeeya dadka laxaadkoodu kala dhiman yahay ayaa inta badan laaluul siiya macmiishooda, si ay u helaan macmiil badan. Shirkadahan loo yaqaano Assistansbolagen, ayaa qofka curyaanka ah shaqaale uga dhiga qof ka mid ah qoyskiisa, waxaanay had iyo jeer laaluush siiyaan qofka

curyaanka ah iyo qaraabadiisa si aanu qofku uga tagin ama ugu wareegin shirkad kale. Tani waxa ay keentay in qofka loo shaqaynayaa aanu caban karin maaddaama oo la laaluushay. Waxyaabaha ay inta badan dadka ku laaluushaan waxa ka mid ah koombuyuutarro, lacago iyo safarro gaagaaban oo dalxiis ah.

Qofka u baahan saacado badan oo la caawiyo maalintii, waxa ay shirkadahani ku helaan 300 000 karoon oo faa’iido ah sannadkii.

Johanna Skinnari oo ah sarkaalad ku xeeldheer cilmiga danbiyada, kana tirsan haayadda Brottsförebyggande rådet, oo cilmi-baadhis ku samaysay arrintan ayaa tidhi;

- Dhibaatada uu laaluushkani leeyahay waxa weeye, iyada oo lacago la siinayo dadka u shaqeeya qofka curyaanka ah, si aanay uga wareegin shirkadda. Taasina waxa ay qarinaysaa in ay cabasho ka muujiyaan adeegyada liita ee shirkadda iyo sida loo caawiyo qofka laxaadka la'. Waxyaabaha ay inta badan dadka ku laaluushaan waxa ka mid ah koombuyuutarro, lacago iyo safarro gaagaaban oo dalxiis ah. Taasina waxa ay suurogalinaysaa in shirkadaha danbiilayaasha ahi wali sii shaqeeyaan.

Xigasho: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".