Isis i Irak. Foto: AP Photo / militant website, File / TT.
Laba wiil oo Soomaali ah ayaa lagu dilay dalka Iraq. Foto: AP Photo / militant website, File / TT.

Laba wiil oo Soomaali ah ayaa lagu dilay dalka Iraq

Laba wiil oo Soomaali ah oo haystay  dhalasahada Iswiidhan ayaa ku dhintay dagaalada ka socda dalka Iraq. Labadan wiil oo ka soo jeeda magaalada Örebro ee dalka Iswiidhan ayaa ku biiray kooxda dagaalyahanada ka dagaalama waddanka Iraq ee IS ( Islamiska staten).

Warkan waxa tiifiiga SVT u xaqiijiyay maamulka masaajidka Örebro iyo maamulka xarunta dhaqanka geeska Afrika ( Afrikas horns kulturcenter ).

Dhammaadkii sannadkii hore, waxa ay haayadda sirdoonka Iswiidhan (säpo) sheegtay in dadka Iswiidhishka ah ee ka qaybgalay dagaalada Iraq iyo Siiriya ay tiradoodu dhan tahay 130 qof.

Xigasho: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".