En gris i hagen. Foto: TT
Masaajid la hor dhigay madax doofaarFoto: TT

Masaajid la hor dhigay madax doofaar

Masaajid ku yaalla Svenljungas ayaa waxa albaabkiisa la hor dhigay madax doofaar. Waxaana sidoo kale gidaarka lagu qoray, "Viva de la France", oo u taagan Faransiisku ha noolaado.

Sidani waxa barta intarnatka ku qortay jarriiradda Borås tidning. Dhacdadan ayaa dhacday maalintii axaddii, waxaana hadda baadhitaan ku wada booliiska. Dhacdadani maaha tii ugu horraysay ee deegaankan ka dhacda. Limmared oo ah tuulo laba mayl u jirta Svenljunga waxa bishii oktoobar ee sannadkii 2013 masaajid halkaasi ku yaalla la hordhigay madax doofaar.

Xigasho: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".