Printscreen från hemsidan. SR Halland.
Masaajidka Halmstad oo mid been ah ku tilmaamay weerarkii Paris. SR Halland.

Masaajidka Halmstad oo mid been ah ku tilmaamay weerarkii Paris

Masaajidka magaalada Halmstad ayaa mareegtiisa ( hemsida), ku baahiyay qoraal uu ku sheegay in ay been iyo ka badbadin ahayd weerarkii ka dhacay Paris. Qoraalkan oo si weyn u faafay ayaa xambaarsanaa farriin sheegaysa

 in weerarkii Paris ka dhacay uu ahaa mid lagu tijaabiyano dadka iyo sida ay u arkaan xorriyatulqawlka. Waxaanay tusaale u soo qaateen sida aanu dhiig uga iman booliiskii la dilay ee dhulka yaallay iyo waliba sidii ay ku baxsadeen saddexdii nin ee weerarka gaystay.

Qoraalkan ayaa waxa akhriyay 90 000 qof, waxaanu warkii ku faafay shabakada ay leeyihiin kooxaha islaamka neceb.

Xigasho: SVT Hallandsnytt

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".