Folk och Försvar i Sälen
Foto: TT.

Dhalinyarada ururka Pirat oo dhegaystay shirkii lagaga hadlay difaaca Sweden

Garabka dhalinyarada ururka Pirat ayaa dhegaystay shirkii lagaga hadlayay arrimaha  amniga iyo gaashaandhiga ee Sweden, ee ka qabsoomay magaalada Sälen. Sida ay maanta sheegeen dhalinyaradaasi

Dhalinyarada ayaa adeegsanayay qalab bilaa waayir ah, oo qof soo booqday shirku uu u rakibay goobtan shirku ka socday. Gudoomiyaha garabka dhalinyarada ururka Pirat ayaa sheegay in dhamaan masixi doonaan macluumaadkan marka ay ku sameeyaan qiimayn.

Ujeedada ay ka lahayeen dhalinyaradani in dhegaystaan goobta shirkani ka socday ayaa ahayd in ay dadka tusaan qaabka ay u shaqayso basaasnimadu.

Isha: DN P4 Dalarna

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".