EU-parlamentet
Foto: Fredrik Persson/TT

Barlamaanka EU oo ka doodaya hindise lagu diiwaangelinayo macluumaadka socdaalayaasha

Ka dib weeraradii argagaxa badnaa ee lagu qaaday wargeyska Charlie Hebdo ee usbuucii hore, ayaa hadda siyaasiyiinta Midawga Yurub ay bilaabeen dood la xidhiidha sidii loo baajin lahaa in mustaqbalka ay dhacaan weeraro la mid ah

Hindisayaasha miiska saaran waxaa ka mid ah, hindsaha loo magiciisa loo soo qaabiyo PNR, Passanger Name Record, oo ah hindise lagu diiwaangelinayo magacyada iyo meela ay u socdaalayaan dadku muddo sannado ah. Middan oo dawladuhu ay u isticmaali karaan si ay u raad joogteeyaan argagixisada. Hindisahan ayaa barlamaanka Midawga Yurub uu hore uga codeeyay, balse imika ayaa waxaa soo baxaya codad dib u furaya dooda hindisahan.

Fredrik Federley oo xisbiga Dhexda, Centerpartiet u fadhiya baarlamaanka Midawga Yurub ayaa isagu dhaleecayn u jeedinaya hindisahan, aaminsana in sababta hadda miiska loo soo dhigay ay tahay uun hab caadifad ah. Isaga oo ku doodaya in hinsahani uu sharaf dil ku yahay socdalayaasha. 

Geesta kale Lars Adaktusson oo isaguna xisbiga Kristdemokraterna u fadhiya baarlamaanka Midawga Yurub, ayaa isagu la dhacsan hindisahan. 

Isha: Ekot, P1 Morgon

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".