Anna Kinberg Batra föreslås bli Moderaternas nya partiledare. Foto: BERTIL ERICSON / TT
Anna Kinberg Batra föreslås bli Moderaternas nya partiledare. Foto: BERTIL ERICSON / TT

Xisbiga M oo fiintu dhex miranayso

Xisbiga Moderaterna ayaa fiintu dhexmiranaysa, ka dib heshiiskii deesambar ee dhexmaray xisbiyada dawlada iyo xisbiyada xulafada garabka midig. Hadda ayaa xildhibaano badan oo ka mid ah xisbiga M ay rabaan in ay ka codeeyaan siyaasada xisbigooda

Xildhibanadaas oo sheegay in ay taageeri doonin heshiiska deesambar ee xisbigoodu qaybta ka ahaa, sidaa waxaa ku waramaya warfidineedyo badan.

Sababta ka dambaysa niyad jabka xildhibaanada ayaa ah, in ay aaminsan yihiin in lagaga awood roonaaday awooda xisbiga oo ay ka gacan sareeyeen hogaanka xisbigu, iyaga oo dhaleecayn ba’an u jeedinaya gabadha hadda gudoomiyaha xisbiga ah ee Anna Kinberg Barta

Xildhibaanad Isabella Hökmark ayaa wargeysa Dagens Nyheter u sheegtay in aanay meesha u joogin in ay u codaysay siyaasada xisbiga Socialdemokraterna. Sidoo kalee baadhitaan ay samaysay jariirada Svenska Dagbladet ayaa daaha ka fayday in aqlabiyada gudoomiyayaasha degmooyinka xisbiga Moderaterna aanay la dhacsanayn sharciga la xidhiidha xuquuqda shaqada ee magiciisa loo soo qaabiyo LAS, rabaana in wax laga bedelo.

Isha: TT, SvD

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".