Запись в Фейсбуке в поддержку погибших в Ираке за ИГ. Фото: SVT Tvärnytt
Запись в Фейсбуке в поддержку погибших в Ираке за ИГ. Фото: SVT Tvärnytt

Nin taageeray dagaalyahannada Isis

Nin 32-jir ah oo door muhiim ku leh masaajidka Gävle ayaa tageero u muujiyay labadii nin ee reer Örebro ee ku dhintay dagaalada ay ugu jireen kooxda Daacish ee Ciraaq.

Ninkan ayaa bartiisa Facebook-ga ku daabacay ”Waxaynu odhanayna hambalyo walaalahaas iyo qoysaskooda, Ilaahay haka aqbalo, In la shahiido waa midda uu nebigeenii codsaday saddex jeer”. Sidaa waxaa ku waramaya Telefeeshinka Qaranka Sweden.

Ninkan ayaa hore u deganaa Örebro, halkaas oo sidoo kale uu door muhiim ah kulahaa masjidka Örebro, aqoon horena u lahaa nimankan.

Urur Muslimiinta Gävle ayaa hadda ninkan ka saaray magiciisa boggooda internetka, sidoo kalena iska fogeeyay fikradaha la xidhiidha rabshadaha iyo sharaf dilka

Isha: TT

samir.dualeh@sr.se

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".