Ett barn flera språk-flyer
Iswiidhan oo lagu dhalliilay habka ay ula dhaqanto afafka laga tirada badan yahayFoto: Salla Valtari / Sveriges radio Sisuradio

Iswiidhan oo lagu dhalliilay habka ay ula dhaqanto afafka laga tirada badan yahay

Guddida wasiirada ee golaha Yurub (Europarådets ministerkommitté) ayaa qiimayn ay soo saareen ku dhalliilay dalka Iswiidhan sida ay ula dhaqanto afafka laga tirada badan yahay. Tusaale ahaan waxa ay ka hadleen sida ay u sii yaraanayaan macallimiinta aqoonta leh iyo waliba hoos u dhaca ku yimid casharada labada af ku baxa sida afka Samiska.

 Iyo waliba tayada tacliinta ku baxda afka Roman chib loo yaqaano oo liidata. Dhanka kale guddidani waxa ay haayadaha dawladda Iswiidhan ku ammaantay sida wanaagsan ee ay uga shaqeeyaan ilaalinta iyo horumarinta sharciga, siyaasadda iyo daryeelka afafka laga tirada badan yahay.

Xigasho: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".