Spinningpass. Arkivbild, foto: Maja Suslin/TT
Jimicsi la'aanta oo khatar ku ah nolosha qofkafoto: Maja Suslin/TT

Jimicsi la'aanta oo khatar ku ah nolosha qofka

Daraasad cusub ayaa sheegay in ay kor u kacday dadka u dhinta jimicsi la'aanta ee miisaanku ku badan yahay. Dadka ka qaybqaatay daraasaddan ayaa loo kala qaybiyay kooxo, iyada oo loo eegayo miisaankooda iyo waliba dhaqdhaqaaha jidhkooda.

Baadhitaankan ayaa socday muddo laba sanno ah. Barafasoor Ulf Ekelund oo qayb ka ahaa daraasaddan, ayaa sheegay in ay tani tahay tallaabo wanaagsan oo la qaaday.

- Marka la is barbardhigo kooxihii aan firfircoonayn ama ku fiicnayn jimicsiga, waa aad u yaraatay khatartii ay la dariska ahaayeen, taasi oo 16% ilaa 30% keeni kari lahayd dhimasho, taasi oo ku xidhnayd hadba miisaanka iyo baruurta qofka saaran.

Xigasho: SVT Nyheter

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".