Sigtunastiftelsen bibliotek. Foto: Siri Ambjörnsson/Klippan Produktion.
Buugaagta taariikhda oo ay ku yar yihiin magacyada haweenkuFoto: Siri Ambjörnsson/Klippan Produktion.

Buugaagta taariikhda oo ay ku yar yihiin magacyada haweenku

Buugagta taariikhda ee iskuulaadka dalka ayey ku yar yihiin magacyada haweenka ee ku qoran. Siddeedii magacba mid ayaa ah haween, halka ey toddobada kalena yihiin rag. Sida ku cad baaritaan uu ammuurtaa ku sameeyay war-geeyska maalinlaha ee Dagens Nyheter (DN).

Baadhitaankan ayay jarriiradda Dagens Nyheter ku samaysay afar ka mid ah madbacadaha ugu waaweyn ee buugaagta daabaca. Natiijadii baadhitaankan ka dhalatay waxa aad uga xumaatay borofisoorka ( professorn), Ann-Sofie Ohlander. Waxaanay Ann-Sofie u sheegtay jarriiradda DN in marka laga eego dhanka dimoqraadiyadda in ay arrintani tahay wax laga xumaado.

Xigasho: TT, DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".