Alice Bah Kuhnke
Alice Bah Kuhnke (MP). Foto: Henrik Montgomery/TT

Alice Bah Kuhnke oo la kulantay ururada Yuhuuda

Wasiiradda dimuqraadiyada Alice Bah Kuhnke oo la kulantay ururada Yuhuuda ee dalkan Sweden, ayaa ugu balan qaaday in tallaabooyin wax ku ool laga qaadayo Yuhuud nacaybka oo ku soo badanaya Sweden

Wasiiradda ayaa sidaas ku sheegtay kulan ay maanta la qaadatay ururo badan oo Yuhuud ah, kulanka o lagaga hadlayay xaaladooda Sweden. Waxyaabaha kulanka laysla soo qaaday waxaa ka mid ah in hanti badan la siiyo hey’adda la dagalaanka xajirka rabshada badan ee ay hogaamiso Mona Sahlin. Sidoo kale wasiiradda dimuqraadiyada Alice Bah Kuhnke ayaa la kulmaysay wasiirka waxbarashada Gustav Fridolin si ay ugala hadasho sidii arrimaha wax looga qaban lahaa xagga waxbarashada.

Isha: TT

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".