Raif Badawi, saudisk bloggare.
Sweden oo safiirkeeda kalo baxdey Sacuudi Carabiya.

Sweden oo safiirkeeda kalo baxeysa Sacuudi Carabiya

Wasaaradda arrimah dibadda Sweden ayaa u yeereysa safiirkeeda u fadhiya dalka Sacuudi Carabiya. Dib ugu wacidda safiirka Sweden ayaa ah mudaharaad ka dhan ah xukun maxkamad ku taala Sacuudi Carabiya ku ridey Raif Badawi oo ah gooraaha wax ku qora internetka.

Maxkamad Sacuudi Carabiya ayaa qoraagan ku xukuntay 10 sanno oo xarag ah iyo in meel barxad ah lagu uleeyo ka dib markii lagu eedeeyey in uu caayey Islamka.

In sweden safiirkeeda kalo soo baxeyso Sacuudi Carabiya waxaa TT u xaqiijisey wasiiradda arrimah dibadda Margot Wallström.

Källa TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".