Budgetdebatten i Riksdagen har pågått hela dagen. Foto Henrik Montgomery
Foto Henrik Montgomery

Xildhibaanada SD oo ku guuldaraystay in ay ridaan Löfven

Baarlamaanka Sweden ayaa maanta ka doodey kalsooni kalo noqoshada Stefan Löfven oo uu xisbiga SD soo jeedeyey.

Xisbiga SD ayaa ku guuldaraystay in uu meelmariyo qorshihiisii ahaa in uu baarlamaanku xilka ka qaado raysalwasaaraha. Xisbiga SD ayaa kali ku noqday codaynta, waxaanay taasi keentay in uu buuxin waayo cododka lagu ridi karo raysalwasaaraha oo ah 175 cod, taasi oo ka dhigan in ka badan kala badh tirada baarlamaanka. Qorshihii ahaa in raysalwasaaraha la eryo waxa u codeeyay 45 xildhibaan.

musa.hassan@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".