Scandinavian star. Foto: Tor Arne Dalsnes/TT.
Scandinavian star. Foto: Tor Arne Dalsnes/TT.

Dabkii ka dhashay markabkii Scandinavian Star oo la baadhayo

Dawladda Norway ayaa guddi baarlamaan u saartay in ay baadhitaan ku sameeyaan dabkii qabsaday markabkii loo yaqaanay Scandinavian Star.

 Baadhitaankan ayay dawladda Norway u saartay guddi baarlamaan. Markabkan ayaa dabqabsaday 25 sanno ka hor,isaga oo ka baxay magaalada Oslo ee dalka Norway una socday magaalada Fredrikshamn. Waxaana ku dhintay 159 qof oo saarnaa. Dhacdadan ayaa ku beegnayd 7 bishii jannaayo sannadkii 1990. Hore ayay booliisku u sameeyeen baadhitaano la xidhiidha sababihii keenay shilkaasi, waxa se hadda markale baadhitaano kale codsaday qaraabadii dadkii ku dhintay shilkaasi.

Xigasho: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".