Cannabisodling.
Geedka Cannabis (Xashiish). Foto: Ted S. Warren

Sweden oo diidey wax ku daweynta xashiishka

Markii ugu horeysey ayaa dhaqtar Iswiidhish ah waxuu dalbaday ogalaansho ah in uu wax ku daweeyo marijuana (xashiish) aan la farsameynin. Sidas waxaa maanta wariyey wargeyska DN.

Nooca dawo ee la yiraahdo, Bedrocan, oo laga sameeyo geedka maandooriyaha ah  ee Cannabis ayaa ka mamnuuc ah dalka Sweden, halka laga ogalyahay dalalka kale ee Yurub sida Finland, Talyaaniga Iyo Jarmalka.

Hey’adda dawooyinka Läkemedelverket ayaa dalabka dhaqtarka ka siisey jawaab diidmo ah iyada oo sabab hey’adda uga dhigtay in waxtarka iyo amniga dawadaan aan la hubin.

Balse dalka Sweden ayaa maanta waxaa jira dawooyin badan oo la ogal yahay kuwaas oo ay ku jiraan maadooyin cannabis ah, laakiin dawooyinkan ayaa waxaa isticmaala keliya bukaano caiyman oo aan sidaas u badneyn.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".