جریمه دیرکرد پرداخت وام تحصیلی بیشتر از دوبرابر شده است
Haayadda CSN oo kordhisay lacagtii ganaaxa ee ay dadka ka qaadaysay

Haayadda CSN oo kordhisay lacagtii ganaaxa ee ay dadka ka qaadaysay

Sannadkan waxa kor loo qaaday lacagta xusuusinta ah ee qofka lagu daro marka uu wakhtigeedii ku bixin waayo lacagta daynta ardaynimada ee lagu leeyahay, ( Påminnelseavgiften).

 Awal hore marka uu qofku hore u bixin waayo lacagtii daynta ahayd ee lagu lahaa, waxa lagu kordhin jiray 200 karoon oo xusuusin ganaax ah, hadda se lacagtaasi way korodhay, waxaanay noqon doontaa 450 karoon laga bilaabo sannadkan.

Tirada dadka Iswiidhishka ah ee daynta ka qaatay haayadda CSN loo yaqaano( Centrala Studiestödsnämnden), waxa ay gaadhaysaa 1,5 milyan oo qof. Taasi oo celceliska lacagta daynta ah ee qofkiiba ka qaatay gaadhayso. 132 000 karoon.

Xigasho: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".